Home wararka Dalka Sawiro Hobyo Hoolka lagu qabanayo Furitaanka Xaflada oo lasoo gabagabeeyay..

Sawiro Hobyo Hoolka lagu qabanayo Furitaanka Xaflada oo lasoo gabagabeeyay..

0
SHARE

Magaalada Hobyo ayaa gashay Mashquulkii ugu badnaa tan iyo markii magaalada soo dhaweysay Madaxweyne Farmaajo oo mashquul badan laga dareemay sidaani oo kale.

Dhismaha Hool Caalami ah isla markana loogu tala galay in lagu qabto Xafladaha ayaa lagu soo gaba gabeeyay mudo bil ka yar waxana hada lagu qabandoonaa Xaflada wajiga 1 aad ee dhameystirka Wadada Gaalkacyo iyo Hobyo.

Hoolka ayaa laga dhisay Goob muhiim ah oo xigta Dhanka Dekada Hobyo waxana Hada dhiman dhigista Kuraas loogu tala galay wafuuda iyo dadka ka qeyb galaya Xaflada.

Raisal wasaare Xasan kheyre ayaa la filayaa in uu gaaro Magaalada Hobyo Halka Madaxweyne Xaaf iyo Shiikh shaakir lagu wado in ay gaaraan Halkaasi.

Dhanka kale wafuud kala duwan iyo Xubno Jaaliyada Galmudug ayaa dhankooda la filayaa in Xaflada ka qeyb galaan.

Wariyaal ka tirsan Mudug24 oo gaaray magaalada ayaa ku soo waramaya isbadal ka muuqda Magaalada Kadib markii la dhisay wadooyin muhiim ah iyo darjiino ka qeyb qaadanaya bilicda Magaalada.

Mudug24 Gaalkacyo.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here