Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Koonfurgalbeed oo noqday ilaa Hada maamulka ugu Badan ee Doortah Golaha Shacabka...

Koonfurgalbeed oo noqday ilaa Hada maamulka ugu Badan ee Doortah Golaha Shacabka xili maantay 5 cusub la doortay

0

Gudigga Dorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay natiijadda Doorashada Shan kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka oo maanta lagu doortay Magaalada Baydhabo.

Gudiga ayaa shegay in Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur (Jilay) auu ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-175 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 70-cod halka musharaxii la tartamayay Aadan Maxamed Ibraahim uu heley 22-cod waxaana gudiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed shegeen in ay halaabeen 3 cod.

Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in Maxamed Barre Maxamuud uu ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-159 ee xubinnimada Golaha Shacabka isagoo helay codad gaaraya 72-cod halka musharaxii la tartamayay oo ahaa Cabdulaahi Maxamed Isaaq uu heley 23-cod halka ay halaabeen 5 cod

Maxamed Cabdi Maxamed ayaa sidoo kale ku guuleystay kursiga Hop-188 isagoo helay codad gaaraya 73-cod halka musharaxii la tartamayay oo ahaa Cabdisamed Aadan Isaaq uu heley 27-cod waxaana Gudigu sheegay in uu halaabay 1-cod, waxaana uu noqon doonaa xildhibaanka ugu da’yar golaha shacabka waxyna da’ffisu tahay 25 jir

Gudigga ayaa sidoo kale sheegay in Cabdiraxmaan isaaq Maxamed uu ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-185 ee xubinnimada Golaha Shacabka  isagoo helay codad gaaraya 71-cod halka musharaxii la tartamayay oo ahaa Maxamednuur Maxamed uu heley 24-cod waxaana xumaaday 6-cod.

Ugu danbeeyntii Cabduqaadir Shekh Cali (Baraka) ayaa isna ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-177 ee xubinnimada Golaha Shacabka  isagoo helay codad gaaraya 75-cod halka musharaxii la tartamayay Maxamuud Abuukar Kheyr uu heley 16-cod Waxaa halaabay 1- cod waxaana Wadarta guud ee soo xaadirtay Ergada ahaayeen 92-qof.

Ad
Previous articleDeg Deg Gobalka Banaadir oo Xayiray Lacagtii imaaraadka Xili Rooble usafaray Dalkaas
Next articleAqriso 7 Qodob oo la sheegay in Rooble u aaday Dalka Imaaraadka Carabta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here