Home Wararka Somaliya Hogaamiyaasha Muslimiinta Kenya oo ka hadlay Xariga Prof C/wahaab sh Cabdi Samad

Hogaamiyaasha Muslimiinta Kenya oo ka hadlay Xariga Prof C/wahaab sh Cabdi Samad

0

laba xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa Isniintii ku hanjabay inay tallaabo ka qaadi doonaan Xoghayaha Golaha Wasiirrada Arrimaha Gudaha (CS) Dr. Fred Matiang’i iyo taliyaha Guud ee Booliiska Hillary Mutyambai haddii aysan si cad u sharraxin afduubka loo geystay Aqoonyahan Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad.

Xildhibaanka laga soo doorto Mvita Abdulswamad Nassir iyo senetarka Mombasa Mohamed Faki ayaa sidoo kale doonaya in labada masuul  ay sharxaan kiisaskii ugu dambeeyay ee lagu laayay dadka Kenyanka ah maadaama laamaha amniga dalka ay aamusan yihiin.

Naasir wuxuu sheegay inay qorsheynayaan inay toddobaadkan wada keenaan mooshin wadajir ah, ayna filayaan in madaxda ugu sarreysa amniga dalka ay hor yimaadaan baarlamaanka.

“Waxaan qorsheyneynaa inaan horgeynno mooshin wadajir ah baarlamaanka iyo Senate -ka toddobaadkan, sidaa darteed xoghayaha arrimaha Gudaha Fred Matiang’i, madaxa baarista dambiyada, George Kinoti iyo taliyaha guud ee Booliska Hillary Mutyambai, waxaan ka rabnaa  inay iftiimiyaan sababta ay waxaas oo dhan u dhacayaan,” ayuu yiri xildhibaan Abdulswamad Nassir.

Senator Faki oo lagasoo doortay Mombasa,  ayaa sheegay inuu la yaaban yahay sababta ay dowladdu u aamusan tahay. Wuxuu intaas ku daray in dowladdu ay ka caga jiideysa inay wax ka qabato arrintan.

Waayitaanka Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, oo ahaa agaasimaha fulinta ee Machadka Daraasaadka Istaraatijiyadda Geeska Afrika, ayaa buuq ka abuuray dalka Kenya iyadoo qoyskiisa ay eedeeyeen raysal wasaaraha Soomaaliya inuu masuul ka yahay  in la waayo.

Ad
Previous articleSirdoonka ugu sarreeya Mareykanka oo sheegay in Soomaaliya, Yemen, Suuriya iyo Ciraaq ay yihiin halista argigixiso ee ka weyn tan Afghanistan
Next articleGudoomiye Muungaab oo Fal dambiyeed ku tilmaamay Kiiska ikraan Tahliil Baaqna u diray Maxkamadda Ciidamada iyo Farmaajo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here