Home Wararka Somaliya Galmudug Galmudug oo Ciidamo gaysay Xananbuure oo Maleeshiyo Beeleed ay ku dagaalameen

Galmudug oo Ciidamo gaysay Xananbuure oo Maleeshiyo Beeleed ay ku dagaalameen

0

Dagaal u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo hubeysan ayaa gelinkii dambe ee shalay ka dhacay deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkan ka dhacay Xananbuure ayaa salka ku haayay aanooyin qabiil oo horey uga dhacay deegaankaas, waxaana wararka saaka laga haelayo Xananbuure ay sheegayaan in xaaladda ay degan tahay, kadib dagaalkii dhacay.

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Gorgor ayaa ku baxay Colaada kasoo cusboonaatay deegaanka Xananbuure, iyagoona kala dhex-galay maleeshiyo beeleedka ku dagaalamay deegaankaas.

Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada Gorgor iyo kuwa Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay ku guuleysteen joojinta dagaaladii dhacay, isla markaana kulamo wadahadal la yeelan doona Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka maleeshiyaadka.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada ayaa doonaya inay heshiis kala dhex dhigaan maleeshiyo beeleedka hubeysan ee ku dagaalamay deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud, waxaana saaka degan xaaladda deegaanka.

Ad
Previous articleQofkii lixaad ayaa loo xiray dil Wiil Soomaali ah loogu gaystay UK
Next articleSawiro Dheeraad ah: Furitaanka Dhismaha Dekada Hobyo iyo sida ay u dhacday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here