Home Wararka Caalamka Sanad kadib Xujeydii ugu Horaysay ee Ka Timid Dibada oo Gaaray Dalka...

Sanad kadib Xujeydii ugu Horaysay ee Ka Timid Dibada oo Gaaray Dalka Sacuudiga

0

Xujaydii ugu horreysay ee ka timid dibeda  ayaa muddo laba sana ah kaddib maanta gaaray magaalada Madiina, waana markii ugu horreysay ee xajay ajnabi ah tagaan dalkaas tani iyo marka uu cudurka safmarka ee Covid-19.

Xujaydan ugu horreysay ee Sacuudiga soo gaaray ayaa la sheegay iney yihiin kuwa ka socda dalka Indoniisiya oo ah dalka muslimiinta ugu badan ay ku nool yihiin caalamka

Warbaahinta dowladda Sacuudi Carabiya waxay sheegtay in sanadkan loo oggol yahay iney soo xajiyaan 1 malyan oo xujaaj ah oo dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ka kala imaneysa.

“Maanta waxaan qaabilnay koox xujaaj ah oo ka socotay dalka Induniisiya, waxaana xigi doono diyaarado sido xujaaj ka socdo Maleysia iyo Hindiya,” ayuu yiri wasiirka Xajka Maxamed Al-Bijaawi oo u warramayey warbaahinta dowladda.

Sanadkii 2020-kii waxaa soo xajiyey oo keli ah xujaaj aan ka badneen 1,000, halka 2021-ka ay xajiyeen xujey aan ka badneen 60,000 oo ka timid gudaha Sacuudiga.

Ad
Previous articleRuushka: ‘Waxaan soo ridnay diyaarad sidday hub iyo shixnado militari’
Next articleColaadda Ukriane: Kyiv oo ka catooray hadal ka soo yeeray madaxweynaha Faransiiska Macron

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here