Home Wararka caalamka Mareykanka iyo Faransa oo ka hadlay wax ka badalka Heshiiska Nukliyerka ee...

Mareykanka iyo Faransa oo ka hadlay wax ka badalka Heshiiska Nukliyerka ee Iran..

0
SHARE

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump iyo dhiggiisa dalka Fransiiska Emmanuel Macron oo ku wada sugan Washington ayaa soo jeediyay in uu jiro karo heshiis cusub oo dhanka Niyukleerka ah oo Iiraan lala galo.

Ka dib wadahadalo ay ku yeesheen dalka Mareykanka,ayaa madaxwayne Trump oo isagu ka biya diiday heshiiskii Iiraan lala saxiixday 2015, waxa uu sheegay “in laga yaabo in la gaaro heshiis balaaran”.

Mr Macron ayaa sheegay in heshiis cusub ay qayb ka noqon doonto barnaamijka gantaaalada Riddada dheer iyo doorka Iiraan ee bariga dhexe.

Iiran ayaa dhankeeda ka digtay “cawaaqib xumo arrintan ka dhalan karto” haddii Mareykanka ay ka baxaan heshiiskani.

Sanaddii 2015, Iiran ayaa aqbashay in ay dib u dhigto barnaamijkeeda Niyukleerka taa badalkeedana waxaa Iiraan laga khafiifiyay cunaqabatayntii dhaqaale ee saarnayd.

Madaxwaynaha Mareykanka ayaa ku hanjabayay in uu ka bixi doono heshiiskani Niyukleerka Iiraan ee la saxiixay xilligii maamulkii Obama.

Heshiiskan ayaa waxa wada saxiixday dowladda Iiraan iyo wadamada quwadaha waawayn.

Hogaamiyaha jarmalka Angela Merkel ayaa lagu wadaa in ay Jimcaha booqato dalka Mareykanka iyada oo ay isku dayaysa in Mr Trump ay ku qanciso muhimadda uu heshiiskan leeyahay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Javad Zarif ayaa laga soo xigtay in xukuumadda Tehran “ay suuragal tahay in heshiiska ay ka baxdo ” haddii Mareykanka ay isaga baxaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here