Home Wararka Somaliya Musharaxiinta oo wax kama jiraan ku tilmaamay Warqadii Farmaajo soo saaray

Musharaxiinta oo wax kama jiraan ku tilmaamay Warqadii Farmaajo soo saaray

0

Midowga Musharaxiinta ayaa ku tilmaamay falalka uu ku kacay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ay yihiin kuwo baalmarsan dastuurka iyo sharciga dalka u degsan.

Qoraal ay soo saareenMidowga Musharaxiinta ayaa lagu sheegay in wareegtadan ay tahay mid lagu carqaladeynayo dadaalada Ra’iisul Wasaare Rooble ee ku aadan in baaritaan daah furan iyo cadaalad la marsiiyo Kiiska Ikraan Tahliil.

Midowga Musharaxiinta ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay ogaadeen in go’aanada Farmaajo ay yihiin kuwo loogu talo-galay in lagu khalkhal galiyo xasilloonida iyo ammaanka aan cagaha badan ku taagneyn ee dalka.

Sidoo kale, Midowga Musharaxiinta ayaa ugu baaqay saraakiisha ciidanka inaysan u hoggaansamin go’aanada madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday.

midowga musharaxiinta;"falka uu ku kacay farmaajo waa mid baalmarsan dasturka iyo sharciga dalka

Ad
Previous articleR/W Rooble oo Fariin Deg Deg ah ugu jawaabay Farmaajo
Next articleRooble iyo Taliyaha Cusub ee NISA oo gaaray Xarunta sirdoonka Soomaaliya ee Habar qadiijo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here