Home Wararka Somaliya {SAWIRO} Taliyaashii Xalay lagu dilay Muqdisho oo Aas Qaran Loo sameeyay.

{SAWIRO} Taliyaashii Xalay lagu dilay Muqdisho oo Aas Qaran Loo sameeyay.

0

Alle ha u naxariistee waxaa Maanta Aas Qaran loogu sameeyay Qabuuraha Isbitaalka Xoogga ee magaalada Muqdisho taliyahii saldhiga Booliska Degmada Waaberi Axmed Cabdullaahi Baashane iyo Taliye xigeenkii Qeybta Waliyow cadde Gaashaanle Dhexe Cabdibaasid Maxamud Cageey , kuwaas oo ku geeriyooday qarixii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Saldhiga degmada Waaberi.

Aaska ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin uu kamid yahay Wasiirka Arrimaha gudaha soomaaliya Janeraal Muqtaar Xuseen Afrax, Saraakiil Ciidan, qaar kamid ah ehellada iyo saaxiibada saraakiisha qaraxa lagu dilay.

Qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Aaska ka qeyb galay iyo mas’uuliyiinta kale ayaa sheegay inay aad uga nageex dilka labada Sarkaal iyo dadka kale ee qaraxa ku dhintay, iyaga oo Alle uga baryay in uu Janadii Fardowso ka waraabiyo.

Ad
Previous articleTaliyaal xalay Lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdisho oo Maanta La Aasay
Next articleMadaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Uganda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here