Home Wararka Maanta Xasan Shiikh oo luuqad adag kula hadlay Itoobiya, kuna baaqay dagaalka difaaca...

Xasan Shiikh oo luuqad adag kula hadlay Itoobiya, kuna baaqay dagaalka difaaca dalka, isagoo yiri “Ethiopia waa cadowga labaad ee Soomaaliya, marka laga imaado Al-Shabaab”

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Khudbadii Jimcaha ka jeediyay masaajidka Madaxtooyada ayaa ku dhowaaqay in Itoobiya ay iska dhicinayaan, kadib xad-gudubka ay ku kacday.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Itoobiya ay tahay cadowga ugu weyn ee Soomaaliya, islamarkaana ay ka difaacanayaan dalka, haddii ay isku deydo meel-marinta xad-gudubkii ay xukuumadda Abiy Axmed ku kacday, kulana saxiixatay Somaliland heshiis beenaadkii badda.

“Maanta haddii dhul la isku sheeganayo anaga ayay tahay in Itoobiya maanta dhul ku sheegano, naguma sheegan karto anaga. Cadow hal ayuu ahaa oo Shabaab, laakiin maanta waa labo, waa iska celinayna Shabaabka oo duulimaadka dibadda-na waa iska celinayna,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas kusii daray “Itoobiya bogii taariikhdii aan laabnay soddan iyo dhowrka sano kahor ay soo rogtay, Soomaaliyeey dhaqanka kasoo muuqda maanta waa ballaayo ee geeso la qabto ay leedahay ee geesaha aan ka qabano.”

Sidoo kale waxa uu si cad u sheegay in dhulka Soomaaliya aysan baxeyn qeyb kamid ah inta uu nool yahay qof Soomaali ah uu nool yahay, “Ma ogolin xataa hal taako, mana dhaceyso.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay u midoobaan iska dhicinta Itoobiya iyo ka hortaga xad-gudubka, xilli uu dalka ka socdo guluf kale oo ka dhan ah kooxaha argagixisada, oo ay ugu horeyso Al-Shabaab.

Waa hadalkii ugu kululaa iyo digniintii u dambeysay ee madaxweynaha uu jeediyo tan iyo markii uu soo baxay heshiiskii Addis Ababa, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, kaasi oo ah damac soo jireena oo Itoobiya waligeed ku taameysay inay hesho Bad.

Dhinaca kale, Wasiiru-dowlaha Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la hadlay Telefishanka Qaranka ayaa waxa uu xaqiijiyay in dowladda ay wado abaabul ciidan oo ka dhan ka Itoobiya, haddii ay isku deydo meel-marinta damaca guracan, ayna ku jirto diyaar-garow ay ku difaaceyso xuduudaheeda.

“Dadaal Diblumaatik ahna waan ku jirnaa, diyaar garow ciidana waan wadnaa, oo waxaz ku jirnaa diyaar-garowga in dalkeena aan difaacano xuduudihiisa Cir, Dhul iyo Bad intaba,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Amniga XFS Maxamed Cali Xagaa.

Heshiiska Addis Ababa ee Itoobiya loogu saxiixay dhul badeed dhan 20KM, ayaa si weyn looga soo horjeestay maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale horey u soo saartay qaraar ay uga hortimid heshiiskaas, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu saxiixay sharci Baarlamaani ah oo burinaya is-afgaradka Itoobiya iyo Somaliland.

Ad
Previous articleXog cusub oo kasoo Korartay gabadhii Itoobiyaanka ahayd ee lagu dilay Dhuusamareeb
Next articleWaa kuma garsooraha Soomaaliga ah ee maanta dhageysanaya dacwadda ‘xasuuqa’ ee laga gudbiyay Israa’iil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here