Home Wararka caalamka Booliska Norway oo loo ogolaaday Bastoolada ku shaqeysa Maansada..

Booliska Norway oo loo ogolaaday Bastoolada ku shaqeysa Maansada..

0
SHARE

Booliska dalka Norway ayaa tijaabinaya adeegsida bastooladda maansada korontada ku shaqeysa taas oo ay adeegsigeeda bilaabi doonaan 1-da bisha Janaayo ee sannadka cusub, 2019-ka.

Hay`adda Amnesty ee u dooda xuquuda aadanaha ayaa walaac ka muujisay tijaabadan booslika Norway ay ku dhawaaqeen, waxaana ay sheegtay hay` addu in adeegsiga hubkan uu la mid yahay kan runta ah maadaama uu isna wax dili karo, dhaawacyo halis ahna u geysan karo qofka loo adeegsado.

Booliska ayaa dhankooda sheegay in hubkan cusub ee ay adeegsigooda bilaabi doonaan sannadka damba laga isticmaalo dalal ay ka mid yihiin Mareykanka, Ingriiska iyo Finland islamarkaana natiijooyin fiican ay ka gaareen.

Waxa ay boolisku sheegeen in uu ka khatar yaryahay hubka runta ah ee mararka qaar boosli adeegsadaan.

Bastoolada maansada korontada ayaa qofka lagu dhuftaa waxaa ay ku dhajineysaa 50-kun oo volt oo maansada korontada ah taas oo miirka beelineysa islamarkaana ka dhigeysa jirkiisa tabar la`aan.

Waxaa inta badan ay booliska u adeegsadaa dadka dagaalka badan amaba laga baqayo in ay waxyeello geystaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here