Home Wararka Somaliya Somaliland Feysal Cali Waraabe “Ooyin ayaa ka dambeyn doonta wafdiga Soomaaliya ee tagay...

Feysal Cali Waraabe “Ooyin ayaa ka dambeyn doonta wafdiga Soomaaliya ee tagay Laascaanood”

0

Gudoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay wufuudda ka socota dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee dhowan gaaray magaalada Laascaanood.

Gudoomiyaha oo qoraal kooban kusoo qoray barta X ee loo yaqaannay Twitter ayaa hadallo kulul hawada u mariyay siyaasinta Soomaaliya ee gaaray magaalada ay dhowaan dagaalladu ka dheceen.

Gudoomiye Waraabe ayaa yiri, “Waftigii Xamar ka yimi ee Laascanood tagay waxba ka beddeli maayaan xuduudaha Somaliland, riwaayaddii iyo raynrayntu waxay dhawaan isu rogi doontaa ilmo iyo riyo. Somaliland waxay dhawaan dalka ka saari doontaa duullaanka wuxuushnimada ah ee Laascaanood, waxaanay sugi doontaa dhammaan xuduudaheeda.” Ayuu yiri.

Mas’uuliyiin uu horkacayo wasiirka isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa dhowaan gaaray magaalada Laascaanood iyagoo sheegay in ay u kuur galayaan xaaladda magaalada.

Ad
Previous articleTaliye Shaah-macabe walaalkii oo farriin u diray madaxweyne Xasan Sheekh
Next articleWar Deg Deg ah: Alshabaab oo Dagaal Culus ku Qaaday Deegaanka QodQod oo Ciidamada Dowladu ku Sugnaayeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here