Home Wararka Maanta Dil loo geestay Haweeney Xaamilo ah oo Qareen Aheyd oo Carro ka...

Dil loo geestay Haweeney Xaamilo ah oo Qareen Aheyd oo Carro ka dhalatay Dalka Nageria

0

Askari katirsan ciidamada dalka Nageria ayaa dilay haweeney qareen ah oo sidoo kale la sheegay in ay xaamilo aheyd, waxaana dilka haweeneydan si weyn uga carrooday shacabka Nageria.

Ciidamada booliska Nageria ayaa sheegay in ay baarayaan dilka askariga u geestay haweeneyda qareenka ah, waxaana haweeneydan la dilay xilli ay kasoo baxday kaniisadda Christmas-kii.

Afhayeen u hadlay booliiska magaalada Lagos ayaa wacad ku maray in baaritaanku uu noqon doono mid degdeg ah, waxa uuna xusay in caddaaladda la horgeyn doono dadka lagu helo dambiga.

Booliiska dalka Nageria ayaa lagu eedeeyay in ay wadaan tacadiyo ka dhan ah dadka rayidka ah, waxaana dhacdadan ciidamada ku dileen haweeneyda qareenka xoojisay dhaleeceynta booliiska loo jeedinayo.

Ad
Previous articleMadaxweyne ISmaaciil Cumar Geele oo Soo Gaaray Muqdisho Si wayna Loogu Soo Dhaweeyey(Sawiro)
Next articleGalmudug iyo Puntland oo Gaalkacyo ugu Wada Qaybgalay Shir looga Hadlaayay Amniga(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here