Home Wararka Maanta Xildhibaanadii laga Soo Doortay Puntland oo lagu eedeeyey Guurdaradii Siyaasadeed ee Soo...

Xildhibaanadii laga Soo Doortay Puntland oo lagu eedeeyey Guurdaradii Siyaasadeed ee Soo Gaartay Deni

0

Wasiirka Tamarta iyo Macdanta dowlad goboleedka Puntland, Caarshe Maxamed Siciid Aw-Muuse oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday arrimo ku aadan mustaqbalka Puntland, kadib guul-darradii Saciid Cabdullahi Deni.

Caarshe Maxamed oo ka mid ah kooxda ololaha doorashada Saciid Deni ayaa sheegay in guul-darradii soo gaartay ay mas’uul ka ahaayeen xildhibaanadii lagu soo doortay Puntland, walow uusan shaacin, sida ay ugu lug lahaayeen damaca fashilmay ee hoggaamiye Deni.

Wasiirka ayaa xusay in dhaqaale fara badan uu uga baxay doorashadaas, iyada oo ujeedka uu ahaa inuu soo baxayo Madaxweyne Deni, si uu hoggaamiyo Villa Soomaaliya.

“Nasiib darrada eedeeda xildhibaannadeenii baa iska lahaa, haddii runta la isku sheego. Waa in lagu dhiirto oo runta la isku sheego. dhaqaale badanaa lagu bixiyay, nabaro badan ayaa la isku geystay. Waxaas oo dhan waxaa loo sameynayay inaan cirbada kululaysada ku dhufano siyaasada Soomaaliya, si ay horey ugu socoto, laakiin nasiib darro ma suurtoobin,” ayuu yiri wasiirka Tamarta iyo Macdanta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Dhinaca kale wasiir Caarshe Maxamed Siciid Aw-Muuse oo hadalkiisa sii wata ayaa muujiyey in Puntland ay qaadeyso dhabaha mucaaradka, isaga oo sheegay in aysan dowladda cusub ka ogolaan doonin, wixii ay horey uga diideen Madaxweyne Farmaajo.

“Wixii qaldan waan sheegeynaa, waxaan leennahay, waxaas waa laga fiican yahay, Farmaajo wax kale kuma diidanayn, Simply aragtiyo siyaasadeed ayaa lagu kala duwanaa. Haddii aragtiyo siyaasadeed oo lagu kala duwan yahay timaado, waan tilmaamaynaa. Marka wixii aan Farmaajo ka diidnay yaanan nala ku dayin ayaan leennahay” ayuu raaciyey.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo uu Madaxweynaha Puntland ku hungoobay damaciisii ahaa in isaga loo magacaabo ra’iisul wasaare, ama qof uu keensaday, wuxuuna dhawaan xusay in Puntland aysan talo ku laheyn magacaabidda ra’iisul wasaaraha cusub.

Si kastaba,Puntland ayaa qayb ka aheyd isbeddelkii ka dhacay dalka, kadib doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareegii u dambeeyey codad badan ka helay Saciid Deni oo ka mid ahaa musharixiinta u soo gudbay wareegga labaada ee doorashada.

 

 

 

Ad
Previous articleLaba qof oo isku qoys ahaa oo lagu dilay magaalada Muqdisho
Next articleMadaxweyne Xasan sidee ayuu uga jawaabay Ansixinta Ra’isul Wasaaraha cusub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here