Home Wararka Maanta Ra’isul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya oo La kulmay Guddiga doorashada (Sawiro)

Ra’isul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya oo La kulmay Guddiga doorashada (Sawiro)

0

Ra’isul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Maanta Kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federal, Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) iyo xubno kale oo katirsan Guddiga.

Waxay Guddoomiyaha iyo xubnaha guddiga ee ku wehliyay kulanka iyo R/W Khayre ka wada hadleen qaabka ugu haboon ee Guddiyada Doorashooyinku ay uga shaqeyn karaan doorasho madax-banaan, hufan oo loo maray hannaan iyo habraac daah-furan oo caddaalad iyo dhex-dhexaadnimo ku dhisan.

Xasan cali khayre ayaa yiri ” Waxaan aad usoo dhowaynayaa ballan qaadka Guddoomiyaha iyo xubnaha guddiga oo ii caddeeyay in ay ka dheeraan doonaan wax kasta oo shaki galin kara natiijada doorashada, kana qaban doonaan dalka doorasho ka madax bannaan eex iyo qof jecleysi.

Ad
Previous articleRa’isul Wasaaraha Soomaaliya oo gaaray Kismaayo
Next articleTaliyaha Ciidamada lugta oo gaaray Galkacyo (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here