Home Wararka Somaliya Galmudug Xulka Hirshabeele oo Dacwad Culus ka Gudbiyay Xulka Galmudug

Xulka Hirshabeele oo Dacwad Culus ka Gudbiyay Xulka Galmudug

0

Xulka Hirshabelle ayaa guddiga tartanka Maamul goboleedyada u gudbiyey dacwad ka dhan ah Xulka Galmudug oo ay ku eedeeyeen inuu u saftay kulankii shalay ciyaartoy loo diiday iney ka qeyb qaataan tartankan.

Xiddiga Galmudug u dhaliyay Goolka rigooraha ahaa Cayaaryahan Mohamed Said Adan (Xeyraan) ayaa ka mid ah  ciyaartoyda aan sharcigu qabin inay ka ciyaaraan Tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir sida xeerka lagu maamulayo tartankan uu sheegayo kaasoo mamnuucaya inuusan ciyaari karin ciyaaryahan Qurbojoog ah oo ka ciyaaray Horyaal Heerarkiisa 1,2,3aad .

Hirshabelle ayaa ka cabaneysa in ciyaaryahan Xeyraan uu ciyaaray Horyaalka heerka 2aad ee dalka Sweden, waxayna Hirshabelle codsatay in arintaas talaabo laga qaado.

Ad
Previous articleXasan shiikh oo ka Hadlay Geerida Xildhibaan Shiikh Shaacir Shiikh Max’ed
Next articleXamse Cabdi Bare “Xalay waxaan wacay taliyaha Nabad sugidda gobolka Banaadir, waxaan ari mala qabtay ninkii dilay Sheekh Ibraahim Deyfullaah?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here