Home Wararka Maanta P.M Rooble oo Qorshaynaaya Inuu Xilka Ka Qaado Wasiirka Arimaha Dibada iyo...

P.M Rooble oo Qorshaynaaya Inuu Xilka Ka Qaado Wasiirka Arimaha Dibada iyo Sababta oo la Ogaaday

0

Warar lagu kalsoonaan karo oo soo baxaya ayaa sheegaya in Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble xil ka qaadis la damacsan yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali.

Sida aan xogta ku helnay Ra’isul Wasaaraha ayaa ka fekeraya labo arrin midood oo kala ah in gabi ahaan xilka ka qaado Wasiirka arrimaha dibadda iyo in uu isbadal ku sameeyo una wareejiyo wasaarad kale sida wasaaradda kaluumeesiga .

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa ku eedeeyay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya in uu gudan waayay waajibkiisa shaqo sidoo kale guddaha Wasaaradda ka dhax bilaabay ku tagrifal awwoodeed iyo musuqmaasuq xooggan.

Wasiir Cabdi Saciid ayaa la sheegay in uu kasoo horjeeday in dalka laga eryo wakiilkii Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Madeira, waxa uuna wasiirka si cad ula saftay Madaxweyne Farmaajo oo saaxiib dhaw la ahaa Danjiraha Rooble dalka ka eryay.

Waxaa sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya lagu eedeeyay in uusan wada shaqeyn toos ah la laheyn Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, taa badalkeena wali u shaqeenayo sidii taliyaha Madaxweyne Farmaajo uu mar soo ahaa.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaana hada wada latashiyo ku aadan go’aanka ugu dambeeya uu ka qaadan lahaa Wasiir Cabdi Saciid uusan la dhacsaneyn shaqadiisa sidoo kale laga soo gudbiyay dacwado la xariira ku takrifal awwoodeed iyo musuq maasuq.

 

Ad
Previous articleDagaal ka Dhacay Marka iyo Fahfaahin kasoo Baxay
Next articleQoorQoor iyo Laftagareen oo Baydhabo Shir Wadatashi Uga Furmay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here