Home Wararka Maanta Waasarada Arimaha Dibada Soomaaliya oo uyeertay Safiirka Dalka Qatar u Fadhiya Soomaaliya

Waasarada Arimaha Dibada Soomaaliya oo uyeertay Safiirka Dalka Qatar u Fadhiya Soomaaliya

0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa wadatashi ugu yeertay Safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar Amb. C/risaaq Faarax Cali Taano. Warqad Wasaaradda Arrimaha Dibadda u dirtay dowladda Qatar ayay ku wargelisay in Safiirka loogu yeeray dalka inuu wadatashi u yimaado.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa si KMG ah Sii hayaya Safaaradda Soomaaliya ee Qatar ugu magacawday Ruun Saciid Qoorsheel. Waxaana is bedelkan Safaaradda Soomaaliya ee Qatar ku soo aaday, iyadoo maanta uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu booqasho rasmi ku tagayo dalka Qatar.

Amb. C/risaaq Taano ayaa ka mid ahaa Safiirada ugu awoodda badnaa ee dowladii hore, isla markaana isku xire u ahaa xiriirka dowladdii hore iyo dowladda Qatar, waxaana ka sokow inuu udub dhexaad u ahaa xiriirkaas xooggan ee labada dal waxaa uu ahaa Seeddiga Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Ad
Previous articleHooyo Soomaaliyeed oo gowracday ilmaheeda oo lagu riday xukun adag
Next articleQarax Caawa ka Dhacay Magaalada Muqdisho iyo Faahfaahin kasoo baxay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here