Home Wararka Maanta Madaxweynaha DR Congo oo Hanjabaad Culus Hawada U mariyay Madaxweynaha Dalka Ruwanda

Madaxweynaha DR Congo oo Hanjabaad Culus Hawada U mariyay Madaxweynaha Dalka Ruwanda

0

Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ayaa weerarka dhinaca afka ah ee uu ku hayo dhiggiisa Ruwanda gaarsiiyay heer kale, isagoo barbar dhigay Adolf Hitler.

Félix Tshisekedi ayaa sheegay in Paul Kagame uu u dhaqmayo sidii Hitler oo kale, waxana uu intaa ku daray: “Waxaan ballan qaadayaa inuu ku dambeyn doono sidii Hitler”.

Mr Tshisekedi oo u ol’oleynaya in dib loo doorto ayaa khudbad ka jeedinayay isu soo bax ka dhacay magaalada Bukafu oo ku dhow xadka Ruwanda.

Wuxuu inta badan ku eedeeyay Ruwanda inay taageerto fallaagada bariga dalkiisa, taasoo ay weligeed diidi jirtay Ruwanda.

Afhayeen u hadlay dowladda Ruwanda ayaa ku tilmaamay hadalka madaxweynaha Congo mid “qaylo iyo hanjabaad cad ah”.

Codbixinta oo ay ka harsan tahay wax ka yar laba toddobaad, Mr Tshisekedi waxa uu isku dayayaa in uu ku guuleysto xukunka mar labaad.

Inkastoo la isku dayay in la joojiyo rabshadaha, oo ay ka mid yihiin heshiisyo xabad joojin iyo joogitaanka ciidamada gobolka iyo kuwa Qaramada Midoobay, oo hadda baxaya, ayaa haddana waxaa bariga dalka ka jira falal ammaan darro.

Kooxo badan oo hubaysan ayaa dagaallo wada, oo ay ku jirto fallaagada uu hoggaamiyo Tutsi-ga ee M23, kuwaas oo Mr Tshisekedi uu sheegay in ay taageerto Ruwanda.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dr Axmad Xassan iyo Macalin Liibaan oo Xalay Lagu Dilay Duleedka Dhuusamareeb(Sawiro)
Next articleMaxamed Cabdi Waare oo xil sare looga magacaabay Urur Goboleedka IGAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here