Home Wararka Maanta Wax badan ka ogow xogta la xiriirta ciidanka Soomaaliya ee markii ugu...

Wax badan ka ogow xogta la xiriirta ciidanka Soomaaliya ee markii ugu horreysay ka qaybgalaya dhoolatus milatari oo ka dhacaya dalka dibaddiisa

0

Tobannaan askari oo ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababarran ee kumaandooska Danab ee Milatariga Soomaaliya ayaa gaaray dalka Kenya.

Ciidankan oo uu taageero Maraykanka, isla markaana uu qalabeeyo, ayaa dalka Kenya uga qaybgali doona dhoolatus milatari oo ay ka qayb qaadanayaan ciidamada dhawr wadan oo ka socda Afrika.

Askarta Danab ee Soomaaliya ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee dhoolatus milatari dalka dibaddiisa uga qaybgala, tan iyo markii ay burburtay dawladdii Maxamed Siyaad Barre 1991-kii.

Taliyaha Milatariga Soomaaliya Janaraal Ibraahim Sheekh Muxiyadiin ayaa ku booriyay ciidanka Soomaaliya uga qaybgalaya dhoolatuska, in ay muujiyaan karti dheeraada si ay uga dhex muuqdaan boqolllaalka askari ee kala qaybgalaya dhoolatuska, una soo jiidaan magac iyo sumcadba qaranka Soomaaliya.

Ad
Previous articleMaraykanka iyo Ingiriiska oo weerarro cusub oo xagga cirka ah ku qaaday Yemen
Next articleTrump oo guul ka gaaray doorashooyinka horudhaca ah ee gobolka South Carolina

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here