Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Hay’adaha Caalamiga ah ku Amartay Inay Deg deg Muqdisho...

Dowlada Soomaaliya oo Hay’adaha Caalamiga ah ku Amartay Inay Deg deg Muqdisho ugu soo Guuraan

0

Wasaaradda Qorsheynta XFS ayaa ku wargelisay in hey’addaha gargaarka iyo kuwa horumarinta ee mashaariicda ka fulinaya Soomaaliya inay si buuxda ugu soo wada guuraan dalka Soomaaliya laga bilaabo (30 Janaayo 2023 illaa 31 Maarso 2023) iyadoo la tixgelinayo xaalada amni ee dalka oo soo hagaageysa kaddib howlgalada guuleystay ee ka dhanka ah Argagixisada.

War Saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Qorsheynta ayaa lagu sheegay in wasaaradu ay gacan ka siin doonto hay’adaha sidii ay dalka Soomaaliya ugu soo guuri lahaayeen.

“Wasaarada Qorsheyntu waxa ay tallaabooyinka ku habboon ka qaadi doontaa hay’adaha fulin waayo amarkan,dalkana si degdeg ah ugu soo guuri waaya.”ayaa lagu yiri war saxaafadedka.

Qoraalka ayaa lagu wargeliyay hay’adaha in ay tababaradooda iyo shirarkooda ku qabsadaan gudaha dalka. Inta badan hay’adaha samafalka ayaa xarumo ku leh magaalada Nairobi ee dalka Kenya,mana aha markii ugu horeysay ee dowlada Soomaaliya ugu baaqdo hay’adaha samafalka inay dalka u soo guuraan.

Ad
Previous articleMuuse Biixi: “Dhibaatada maanta ka jirta Laascaanood waxaa keenay argagagixisada caalamiga ah”
Next articleMareykanka oo dhex dhexaadinaya Israa’il iyo Falastiin iyadoo dilal badan ay dhowaan dhaceen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here