Home Wararka Maanta Warar Dheeraad ah oo laga helayo Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Muqdisho

Warar Dheeraad ah oo laga helayo Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Muqdisho

0

Waxaa caawa qeybo kamid ah magaalada Muqdisho laga maqlay jugta qaraxyo iyo hoobiyaal ka dhacay qeybo kamid ah magaalada , waxaana jira khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay.

Qaraxii ugu horeeyay oo caawa ismiidaamin ahaa ayaa ka dhacay xerada ciidamada Nacnac ee kutaalla degmada Wadajir, waxaana albaabka xeradaasi la sheegay in uu isku qarxiyay nin waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray.

Sida aan wararka ku helnay ninka is qarxiyay ayaa dhax galay dhallinyaro saf ugu jirtay in ay galaan gudaha xerada ,kuwaa oo la sheegay in ay doonayeen in loo tababaro kamid noqoshada ciidamada xoogga dalka.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxan ismiidaaminta ah, waxaana dadka ku dhaawacmay qaraxa iyo kuwii ku dhintay la geeyay isbitaalo kuyaalla  caasimadda.

Dhinaca kale qaraxyo la sheegay in ay macmal ahaayeen ayaa caawa ka dhacay qeybo kamid ah Muqdisho, qaraxyadan ayaana dhawaqooda laga maqlay qeybo badan oo magaalada kamid, waxa ayna qalqal ku abuureen shacabka.

Laamaha ammaanka Muqdisho ayaan wali ka hadlin qaraxyada caawa laga maqlay qeybo kamid ah Muqdisho, waxa ayna qaraxyadan dhacayaan xilli isbuuc laga joogo qaraxii dadka badan ku dhamaadeen ee ka dhacay isgooska Soobe.

Ad
Previous articleDEG DEG: Qarax ismiidaamin ah oo La Dhacay Muqdisho
Next articleJeneraal Odawaa oo Shaaciyay Khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay xerada Nacnaca

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here