Home Wararka Somaliya Dowlada Kenya oo sheegtay in aysan Aqoonsan doonin Go’anka Maxkamada ICJ

Dowlada Kenya oo sheegtay in aysan Aqoonsan doonin Go’anka Maxkamada ICJ

0

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday maanta in aysan aqoonsa doonin go’aan kasta oo ka soo baxa maxkamadda cadaaladda adduunka xilli todobaadka dambe la sugayo go’aanka maxkamadda.

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Macharia Kamau ayaa sheegay  inay Kenya iskaga baxday ka qeyb ahaanshaha kiiska maxkamadda horyaala ee dacwada badda taas ayaana ka dhigan in Kenya ay ogaatay runta iyo in Somalia loo xukumay badda.

Kamau wuxuu ka cabanayaa in maxkamaddu ay si cad ugu eexatay Somalia sidaas darteedna aysan ku kalsoonaann karin.

Wuxuu sheegay in Kenya rumeysan tahay in khilaafka lagu xaliyo wadahadal nabadeed.

“Dacwadu waa isku day ay Soomaaliya ku doonayso inay ku xad gudubto madaxbannaanida dhuleed ee dalka Kenya taasoo bilaababatay 1969kii” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibeda Kenya

Xukunkan lagu dhawaaqayo 12-ka bishan ayaa la filayaa inuu soo afjaro dacwadii badda ee todobada sano ahayd ee ay Soomaaliya u gudbisay Maxkamada ICJ sanadkii 2014-kii.

Ad
Previous articleWararka ugu danbeeyay Ciidanka Ahlu-suna ee maanta la wareegay Deegaanada Cusub
Next articleGuddi ka socda KGS oo gaaray Magaalada Galkacyo ee Gobalka Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here