Home Wararka Maanta Deg Deg Ra’isul Wasaare Xamza oo ku dhawaaqay in Loo gurmado Bakool...

Deg Deg Ra’isul Wasaare Xamza oo ku dhawaaqay in Loo gurmado Bakool oo Shabaab ay weerareen

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa amray hey’adaha kala duwan ee amniga iyo gargaarka inay si deg deg ah uga jawaabaan xaaladda gobolka Bakool oo deegaanno ka mid ah ay falal amni darro ah ka geysteen kooxaha argagixisada.

Amarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii uu khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen oo warbixin ka siiyay deegaannada ay kooxuhu ka geysteen falalka argagixisada ah.

Ra’iisul Wasaare Xamse waxa uu ballanqaaday in dowladdu ay jawaab deg deg ah la bixin doonto dhibaatada ay geysteen kooxaha nabad-diidka ah, isla markaana gargaar loo gaarsiin lahaa shacabka deegaannada Yeed, Washaaqo iyo Aato ee ay dhibaatadu soo gaartay.

Ad
Previous articleRa’isul Wasaare Xamza oo doonayo inuu Liiska ka saaro Wasaarad Muhiim ah
Next articleBeesha Mudulood oo go’aan culus ka soo saartay Xaalada Amni Magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here