Home Wararka Maanta Somaliland oo maanta xukun adag ku ridday afar nin oo gaalo...

Somaliland oo maanta xukun adag ku ridday afar nin oo gaalo ah

0

Somaliland ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku ridday afar nin oo ‘gaalo ah’ isla markaana maandooriyaha Khamriga ku sameynayay gudaha magaalada Hargeysa, kuwaas oo lasoo taagay Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex.

Raggan ayay Maxkamaddu sheegtay in iyaga oo gaalo ah ay soo xirteen labiska Islaamka, sidoo kalena ay ka dawarsanaayeen magaalada dhexdeeda.

Shaki laga qaaday kadib ciidamada Booliska ayaa soo qabtay afarta nin, waxaana kadib lasoo taagay maxkamad, iyada oo lagu helay inay Khamri ku sameeyaan gudaha Hargeysa.

“Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex ayaa saaka xukun ku riday 4 -nin oo dhawaan Ciidamada Booliska JSL garahaan Saldhiga Dhexe gacanta kusoo dhigeen , raggan oo ku eedaysanaa inay Khamri ku sameeyaan Magaalada Hargaysa gudaheeda iyo inay Iyagoo gaalo ah labiska islaamka qaateen kuna dawarsanaayeen ayaa dambigaasi lagu helay” ayay tiri maxkamaddu.

Sidoo kale maxkamadda ayaa sheegtay in raggan kaba kamid ah lagu xukumay min sideed sanadood oo xabsi ah iyo laba milyayan oo shilinka Somaliland ah, halkalabada kalena lagu riday xukun 6 sanadood oo xarig ah iyo hal milyan oo shlinka Somaliland ah.

“Waxaanay Maxkamadda Gobolku ku xukuntay laba kamida raggaasi 8 sannaddood oo xadhiga iyo 2Milyan oo Shilin S/land , Halka labada kale lagu  xukumay 6-Sannadood oo xadhiga iyo 1Milyan oo Shilin S/land” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka maxkamadda.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Dhanka kale xukunkaasi markay dhamaystaan dhammaantood dalka waa laga mastaafurinayaa iyagoo markii hore dalka tahriib kasoo galay. waxaanay kasoo jeedaan dalka Ethiopia”

Ugu dambeyn waxaa fariin loo diray bulshada Somaliland oo loogu baaqay inay booliska usoo gudbiyaan wax kasta oo halis ku ah nabad-gelyada deegaanka.

“Taliska Ciidanka Booliska JSL wax uu bulshada ugu baaqayaa inay degdeg ula soo wadagaan dadka noocaasa markay arkaan” ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Ad
Previous articleFaahfaahin Amaanka Caasimada Muqdisho iyo Bisha Ramadaan
Next articleKumaandooska Danab oo maanta dhoolatus layaab leh kusoo Bandhihay Kenya(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here