Home Wararka Maanta Saraakiil Sare sare oo Alshabaab ka Tirsanaa oo lagu Dilay Duqayn...

Saraakiil Sare sare oo Alshabaab ka Tirsanaa oo lagu Dilay Duqayn Ka dhacday Gudaha Degmada Ceelbbur iyo Magacyadoda oo la Helay

0

Howlgal lagu dilay madaxii maaliyadda ee  Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Galgaduud ayaa shalay Galab  ka dhacay gudaha degmada Ceelbuur oo weli ku jirta gacanta kooxda.

Howlgalka oo loo adeegsaday diyaaradaha dagaalka ayaa ka dhacay guri ay ku shirayeen saraakiil sare oo Shabaab ah, kuwaas oo dhanka maaliyadda u qaabilsanaa kooxda,

Warbaahinta Dowladda Soomaaliya oo soo xiganeysa Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik oo ka mid saraakiisha hoggaamisa ciidanka xoogga dalka, kana soo jeeda Ceelbuur ayaa baahisay xogtaan.

Sarkaalka ugu sareeyey kooxda maaliyadda ee Galgaduud u joogtay Al-Shabaab ee howlgalkaan lagu dilay waxaa magaciisa lagu soo koobay Sahal, waxaana la dhintay xubno kale oo loo maleynayo inay saraakiil yihiin iyo dagaalyahano ilaalo u ahaa.

Duqeynta maanta ka dhacday Ceelbuur ee lagu beegsaday madaxdii Shabaab u qaabilsaneed dhanka maaliyadda ayaa imaana iyadoo galabta duqeymo kale oo ka dhacay koonfurta gobolka Mudug lagu laayey Shabaab badan oo qorsheeyey inay fuliyaan weerar cagmarin ah.

Diyaaradaha dagaalka ayaa galabta laayey koox lagu diyaarinayey dhulka howdka ah ee u dhow deegaanka Shabeelow oo dhawaan laga xoreeyey Khawaarijta Al-Shabaab, dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay howlgalkaas ayaa sheegtay in la dilay ugu yaraan 30 dagaalame, isla markaana ay socoto qiimeynta khasaaraha rasmiga ah ee gaaray kooxda.

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Axmed Macalin Fiqi oo ku sugan koonfurta Gobolka Mudug ayaa sheegay in lix goobood lagu duqeeyey kooxda, isla markaana dhulka lala simay dagaalayanadii iyo gaadiidkii Shabaab ee maalmahaan howdka lagu diyaarinayey.

Dhinaca kale, Ciidamada Xoogga dalka iyo xoogagga difaaca Shacabka ayaa maanta Khawaarijta Al-Shabaab kala wareegay deegaanada Ceelkabar iyo Jaburow oo dhaca galbeedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada ayaa weerar dhowr jaho ah ku qaaday deegaanka Luuqa-Jeelow oo ahaa goob Al-Shabaab lacago baad ah uga qaadi jireen dadka u kala safra gobollada dhexe.

Saraakiisha ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka ayaa ka warbixiyey howlgalkii maanta, waxayna sheegeen in Khawaarijta Al-Shabaab oo halkaas dadka deegaanka ku dhibayay sanado badan ay ka ceyriyeen oo deegaanadii ay hadda soo galeen gacanta dowladda.

Ad
Previous articleMasaajid lacag badan ku caawiyay qoys masiixiyiin ah oo ay ku dhacday musiibo aan la maleysan karin
Next articleBaladweyne oo lagu Qabtay Gaari kale oo Qaraxyo ku Raranyihiin iyo Ragii Watay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here