Home Wararka Maanta Dowlada Talyaaniga oo Gaadiid Dagaal ku Wareejisay Dowlada Soomaaliya(Sawiro)

Dowlada Talyaaniga oo Gaadiid Dagaal ku Wareejisay Dowlada Soomaaliya(Sawiro)

0

Wasiiru Dowlaha Amniga xukuumadda Soomaaliya iyo taliyaha booliiska ayaa ka qeyb galay munaasabad safaaradda Talyaanigu ku Wareejisay gaadiid dowladda Talyaanigu ugu deeqday Ciidamada booliiska JFS.

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed General Sulub Axmed Firin oo ka hadlay munaasabadda ayaa uga mahadceliyay dowladda Talyaaniga taageerada hagar la’aaneed ay siiso ciidanka booliiska Soomaaliya.

Waxa uuna sheegay taliyaha in gaadiidkan booliiska u adeegsan doonaan sugida ammaanka iyo la dagaalanka argagaxisada, waxa uuna cadeeyay in gaadiidkan lagu wareejiyay ciidanka wax weyn u tarayo.

Dhinaca kale Safiirka Talyaaniga Roberto Vechi ayaa sheegay inuu Talyaanigu taageerayo codsiga madaxweynaha Jamhuuriyaddu ujeediyay madaxda Talyaaniga si ay gacan uga geystaan howlgalada ka dhanka kooxaha argagaxisada.

Wasiir Dowlaha Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa, ayaa ka mahadceliyay taageerada iyo garab istaagga dowladda Talyaanigu siiso Ciidamada Amniga Soomaaliya, waxa uuna xusay in ay sii xoojin doonaan wada shaqeynta labada dhinac.

Ad
Previous articleTaliyaasha Saldhigyada Booliiska Gobolka Banaadir oo isbadal lagu sameeyay Xili amaanka Muqdisho sii xumaanaayo
Next articleBaarlamaanka Ethopiya oo liiska Argagixisada Kasaaray Kooxda TPLF oo horay loogu Daray liiskaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here