Home Wararka Maanta Xildhibaan Barkhad Batuun oo Maantay ka Baaqday Safarkii uu ku imaan lahaa...

Xildhibaan Barkhad Batuun oo Maantay ka Baaqday Safarkii uu ku imaan lahaa Muqdisho

0

Xildhibaan Barkhad Batuun Jaamac oo kamid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ka baaqday safar uu qorsheeyay inuu maanta kusoo gaaro Muqdisho, si uu uga qyab-galo aaska Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.

Xildhibaanka oo hadal siiyay warbaahinta Hargeysa ayaa xalay shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu ka qayb-galo Janaasanada Marxuumadda, isaga oo sheegay in wax shaqo ah aysan ku lahayn arrimaha siyaasadda, maadaama ay is hayaan Soomaaliya iyo Somaliland.

“Runtii geerida qaraabada iyo qoyska ku tacaluqeysa kolley wax siyaasad ah geli meyso, waana ku han-weynahay ducadeeda iyo god-galkeeda inaan goobjoog ka noqdo” ayuu yiri.

Khadar Batuun ayaa safarkiisii ka baaqday, kamana soo qayb-gelin Janaasanada Marxuumadda oo maanta aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho.

Hargeysa waxaa kaliya ka yimid hal qof, waana Boqorka guud ee Beelaha Gabooye Boqor Axmed Iimaan oo kasoo qayb-galay aaska loo sameeyay Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.

“Aniga oo qura ayaa maanta ka imid Hargeysa, laakiin wafdiga kale way noo suurageli weysay” ayuu yiri Boqor Axmed Iimaan oo wareysi siiyay Telefishinka Universal.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay sababta baajisay safarkii Barkhad Batuun Jaamac, wuxuuna sheegay in daruuf jirto uu u imaan waayay Xamar, balse ma shaacin wax ay tahay.

“Khadar daruufo kale ayuu u baaqday, laakiin wuu jeclaa inuu yimaado oo Janaasadeeda ka qayb-galo, laakiin Ilaahey ayaan u qorin” ayuu ku jawaabay Boqorka.

Allaha u naxariistee Khadiija Diiriye ayaa si weyn u garab istaagtay Barkhad Batuun, kadib guushiii uu kasoo hooyay doorashadii Somaliland, iyada oo munasaabad dagaal-deg ah ugu qabatay Muqdisho, kadibna u aruurisay lacag ay ugu talagashay inuu gaari ku iibsado.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Howlgalo Hub iyo Ragii Watay oo lagusoo Qabtay Galmudug
Next articleGaraad Jaamac Garaad Cali oo si Adag uga Hadlay doorashada Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here