Home Wararka Maanta Hoggaamiyaha Xamaas Ismail Haniyah oo sheegay in Maraykanka uu mas’uul ka yahay...

Hoggaamiyaha Xamaas Ismail Haniyah oo sheegay in Maraykanka uu mas’uul ka yahay weerarka dhimashada badan dhaliyey ee Israa’iil ku qaadday caawa isbitaalka al-Ahli ee Gaza

0

Hoggaamiyaha Xamaas Ismail Haniyah ayaa sheegay in Maraykanka uu mas’uul ka yahay weerarka dhimashada badan dhaliyey ee Israa’iil ku qaadday caawa isbitaalka al-Ahli ee Gaza kaasoo ay ilaa haatan ku dhinteen dad ka badan 800 oo qof.

Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed ee la haysto ayuu ugu baaqay iney ka kacaan fadhiga oo ay la dagaalamaan Israa’iil, isagoo wacad ku maray in Israel ay ka aargoosan doonaan saacadaha soo socda ayna arki doonaan miraha ka dhashay weerarkan foosha xun.

“Maraykanku wuxuu leeyahay mas’uuliyadda weerarka isbitaalka sababtoo ah waa isaga midka daboolaya gardarrada Israel taageerana siinaya,” ayuu yiri Haniyeh.

Waxa uu xusay in weerarku uu xaqiijiyey arxandarrada Israa’iil iyo heerka guuldarradii gaartey kaddib weerarkii Xamaas ee 7dii Oktoobar.

Weerarkii Israa’iil ay ku qaadday Isbitaalka al-Ahli ee magaalada Gaza ayaa ah weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ay Israa’iil ka geysato halkaas shan jeer oo ay dagaallameen iyada Xamaas tan iyo sannadkii 2008-dii sida uu sheegay difaaca rayidka ee Falastiin.

“Xasuuqii ka dhacay Isbitaalka Al-Ahli Carab waa mid aan horay u dhicin taariikhdayada. In kasta oo aan soo aragnay dhibaatooyinkii dagaalladii iyo maalmihii lasoo dhaafay, haddana waxa caawa dhacay waxa ay la mid yihiin xasuuq,” ayuu yiri afhayeenka difaaca rayidka Falastiin Maxamuud Basal.

Isbitaalka oo ku yaalla woqooyiga Gaza oo dhowaan israel ay digniin ku bixisay in laga baxo ayaa waxa gacanta ku haya heyad Kiristan ah oo lagu magacaabo Episcopal Diocese Jerusalem.

Waxay ugu adeegtay Isbitaalka laba ujeedo: Wuxuu hoy u ahaa Falastiiniyiinta ka cararay guryahooda iyagoo raacaya amarrada daadgureynta Israa’iil, wuxuu sidoo kale hoy u ahayd bukaanno ku dhaawacmay duqeymaha Israel.

Sawirro la sheegay in laga soo qaaday Isbitaalka al-Ahli oo si weyn loo wadaagay muuqaalada bulshada ayaa muujinaya dab qabsaday dhismaha, burbur baahsan iyo meydad ku daadsan burburka dhismaha.

Dhowr isbitaal oo ku yaalla magaalada Gaza ayaa noqday goobo ay gabaad ka dhigtaan boqollaal qof, iyagoo rajeynaya inay ka badbaadaan duqeymaha ka dib markii Israa’iil ay amar ku bixisay dhammaan dadka degan magaaladaas iyo deegaannada ku xeeran inay u guuraan dhanka koonfureed ee Marinka Gaza.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dilka Muqdisho loogu gaystay Gudoomiyihii Degmada Aadan Yabaal
Next articleErayadii ugu dambeeyay ee uu ku hadlay lix jirkan muslimka ah ee loo dilay dagaalka Xamaas iyo Israel

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here