Home Wararka caalamka Madaxweynaha Ruushka oo sheegay in Weerarka Suuriya uu Nabada Caalamka Saameynayo..

Madaxweynaha Ruushka oo sheegay in Weerarka Suuriya uu Nabada Caalamka Saameynayo..

0
SHARE

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in weerarkii Sabtidii lasoo dhaafay ku qaadeen dalka Siiriya uu yahay mid carqalad iyo xiisad cusub ka abuuraya caalamka.

Putin ayaa Axadii shalay khadka telefonka kula hadlay Madaxweynaha Iran Xassan Rowxani oo ay ka wadahadleen xaalada Siiriya iyo duqeyntii lala beegsaday dowlada ay taageeraan ee Bashar Al Assad.

Warbaahinta Ruushka ayaa sheegay in Madaxweyne Putin uu aaminsan yahay in hawlgalada militari ee Reer Galbeedka ka wadaan dalka Siiriya uu sidoo kale dhaawici doono hawlihii wadahadalada iyo xal u helida dagaalka sokeeye ee ka socda wadankaasi.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here