Home Wararka maanta Dhagayso Puntland oo Ka Hadashay Lacagtii Imaaraadka ee Lagu Qabtay Muqdisho

Dhagayso Puntland oo Ka Hadashay Lacagtii Imaaraadka ee Lagu Qabtay Muqdisho

1
SHARE

Madaxweynaha Puntland Abdiwali Mohamed Ali Gaas ayaa sheegey in dowlada Imaaraadka Carabta ay howlo muhiim ah ka wadaan deegaanada Puntland kuwaasoo ay adag tahay in ay shacabka iyo maamulkiisuba ka maarmo, isagoo soo dhaweeyey in wixii ismaandhaaf ah lagu xaliyo wadahadal.

Madaxweyne Abdiwali ayaa sheegey in wali ay Puntland ka socdaan howlihii ay shacabka iyo maamulkaba u hayeen dowlada Imaaraadka oo ay ugu horeyso tababarida iyo maamulista ciidamo uu sheegey in ay ka howlagalaan deegaanada xeebta.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa soo hadal qaaday lacagtii 8-dii Bishaan lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ee Muqdisho,waxa uuna sheegay in qeyb ka  mid ah lacagtaas loo waday Ciidamada Puntland oo uu Imaaraadka tababaray.

Shalay ayay aheyd markii Cabduweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland uu sheegay in marnaba aysan jirin cid u bedeli karta Imaaraadka Carabta,isla markana uu yahay dal wax badna u qabtay Maamulkooda.

Loading...

1 COMMENT

  1. Kheyre iyo Farmaajo ka dhab maaha eryidda Imaaraatka.
    Waa kuwii Jawaari hilfaha u qaaday markii uu barlamaanku
    soo saaray qaraar lagu burrinaayo heshiiskii dekedda Berbera.

    Xoogaa duco ah uun bay raadsanayaan oo waa qaraabanayaan.

    Waxooda waa maraanmarin. Naas hadda uun la nuugay bay caano ka doondoonayaan. Imaaraatka ayey ku oranayaan: “baad na siiya, haddii kale waan idinka saareynaa Somalia”.

    Puntland maxaa ka galay qaraabashada Farmaajo iyo Kheyre?!

    Puntland iyo Imaaraatku waa saaxiibo aan kala go’eyn.

    Farmaajo iyo Kheyre iyaga ayey jirtaa siday ducadooda u qalqaashanayaan, laga mana yeelayo inay Imaaraatka ku khashqashaadaan Puntland gudaheeda.

    Gaas wuu diiday shekadaas raqiiska ah.

    Tala xumada iyo macangagnimada Farmaajo iyo Kheyre waxay
    soo dedejineysaa in shacabku fahmaan kuwani inay yihiin “ransom-taking gangsters”.

    Imaaraatka maahee Khyre iyo Farmaajo ayaa dariishadda ka baxaya kol dhow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here