Home Wararka caalamka Dalka Suuriya oo loo ogolaaday Baarayaasha Kiimikada ee Baaraya Weerarka Sunta ee...

Dalka Suuriya oo loo ogolaaday Baarayaasha Kiimikada ee Baaraya Weerarka Sunta ee dhacay..

0
SHARE

Khuburo dhanka kiimikooyinka ah ayaa loo ogolaan doonaa in ay booqdaan goobtii la sheegay in uu weerarka kiimikada ah ka dhacay Arbacadii, sida ay dawladda Ruushku sheegtay.

Koox caalami ah ayaa Siiriya ku sugnayd tan iyo Sabtidii, balse looma ogolaanin in ay booqdaan Douma.

Weerarkii 7 Abriil dhacay ayaa horseeday weerar dhanka cirka ah oo dawladdaha Brirain, Maraykanka iyo Faransiisku ay ku qaadeen xarumo ay dawladda Suuriya leedahay.

Ammin hore oo Talaadadii ahna warbaahinta dawladda Siiriya ayaa sheegtay in waaxda difaaca dalkaasi ay ka jawaabtay gantaallo lagu soo weeraray magaakada galbeedka ku taalla ee Xoms.

Gantaalladaas ayaa lagu bartilmaameedsaday saldhigga ciidammada cirka ee Shayrat sida ay warbaahinta dawladdu sheegtay, balse faahfaahin kama aysan bixinin cidda soo gantay.

Warbixin kale oo ka timid malayshiyada Xisbullah ee ay Iiraan taageerto ayaa lagu sheegay in hannaanka difaaca ee Siiriya uu qabtay gantaallo lagu soo ganay garoonka milatariga ee Duuma oo ku yaalla waqooyiga bari ee magaalada Dimishiq.

Bbc Somali

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here