Home Wararka Caalamka Trump oo sheegay in Mareykanka ay u taallo howl ka weyn gargaarka...

Trump oo sheegay in Mareykanka ay u taallo howl ka weyn gargaarka militeri ee Ukraine

0

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay xildhibaanada Mareykanka inay mudnaanta siiyaan dhaqaalaha lagu bixiyo ammaanka iskuullada baddalkii gargaar militeri uu u diri lahaa Ukraine.

Isagoo ka hadlayay shir looga hadlayay hubka, ayuu Mr Trump su’aal galiyay sida “Mareykanku uu 40 bilyan oo doolar uu ugu dirayo Ukraine” balse uu ku guuldareystay sugidda ammaanka iskuullada dalkaas.

Magaalada Houston ee dalka Mareykanka waxaa ka socda shir ay isugu yimaadeen ururada ay ku mideysan yihiin hubka ee NRA, oo ah kooxda ugu badan ee heysata hubka Mareykanka.

Hadalka Trump ayaa yimid maalmo kadib markii 21 qof ay ku dhinteen toogasho ka dhacday iskuul ku yaalla gobolka Texas.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Weerar Gaadmo ah lagu laayay Qaarna nololsha Lagu Qabtay
Next articleMaamulka Galmudug oo sheegay inuu bilaabayo Dhismaha Golayasha Deegaanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here