Home Wararka Maanta Madaxweyne Farmaajo oo Dalka Dib ugu Soo laabtay kadib Maalmo uu ku...

Madaxweyne Farmaajo oo Dalka Dib ugu Soo laabtay kadib Maalmo uu ku sugna Dalka Qatar

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib safar shaqo oo maalmihii la soo dhaafay ay ku joogeen dalka aan walaalaha nahay ee Qadar.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa dalkaas waxa uu kala hadlay Amiir Tamiim binu Xamad, dhammaystirka mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qatar ay ka waddo Soomaaliya iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha guud ee dalkeenna.

 

isu socodka badeecadaha iyo dadweynaha, horumarinta Waxbarashada Hoose/Dhexe ee Soomaaliya iyo dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida.

Sidoo kale, Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ee Madaxweynaha ku weheliyey safarkan iyo dhiggooda Qadar ayaa wadajir u lafo-guray aayaha iyo miro-dhalka xiriirka Labada Dal iyo danaha wadajirka ah ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka Gobolka.

 

si loo sii xoojiyo iskaashiga mugga weyn ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qadar

Ad
Previous articleTirada Dadka Shacabka ah Ukrain uga Dhimatay Dagaalka Ruushku Soo Qaaday oo la Shaaciyay
Next articleSweden oo diiday inay gasho Dood ku saabsan ku biirista NATO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here