Home Wararka Maanta Dowlada imaaraadka oo War kasoo Saartay Saraakiishii looga Laayay Muqdisho

Dowlada imaaraadka oo War kasoo Saartay Saraakiishii looga Laayay Muqdisho

0

Wasaaradda Gaashaandhigga Imaaraadka Carabta ayaa shaaca ka qaaday in shahiideen saddex ka mid ah ciidamadeeda qalabka sida iyo askari ka tirsan Ciidanka Difaaca Baxreyn iyo dhaawaca labo kale fal argagixiso oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Imaaraadka ayaa xaqiijiyay in ciidankaas ay u joogeen Soomaaliya waajibaad shaqo oo ah tababarka iyo tayeynta Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, kaas oo qeyb ka ah heshiiska laba geesoodka ah ee Imaaraadka iyo Soomaaliya ee Qaab-dhismeedka iskaashiga milatari ee labada dal.

Dowladda Imaaraadka ayaa sheegtay inay sii wadi doonaan wada shaqaynta iyo iskaashiga ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya ee lagu baarayo fal-dambiyeedkaas argagixisinimo.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Saraakiil Imaaraad ah oo lagu Dilay Muqdisho
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Si Adag uga Hadlay Wixii ka Dhacay Xerada General Gordan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here