Home Wararka Somaliya Puntland Puntland oo War Hor leh kasoo Saaratay Khilaafkii Kala Dhaxeeyey Dowlada Soomaaliya

Puntland oo War Hor leh kasoo Saaratay Khilaafkii Kala Dhaxeeyey Dowlada Soomaaliya

0

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe aya ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda u dhexeysa Puntland iyo dowladda dhexe.

Ilyaas Lugatoor ayaa mar kale ku celiyay in Puntland aysan aqbali doonin wax ka beddelka dastuurka dalka oo ay horay u ansixiyeen xildhibaannada labada Gole.

“Haddii la beddelo wixii heshiis lagu ahaa waxa ay keeneysaa, Soomaali inay kala tegto, markii ay arrintaas soo baxday Puntland waxa ay qaadatay in aysan ictiraaf siin dastuurkaas la beddelay” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland.

Sidoo kale wuxuu eedeyn culus u jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh oo uu ku dhaliilay inuu kala qaybinayo Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in aysan ka bixin Soomaaliya, balse ay la shaqeyn doonaan cid kasta oo daneysan dastuurkii lagu heshyay 2012-kii.

“Waxaan shacabka u caddeyneynaa in Puntland ay kamid tahay Soomaaliya, aynan ka bixi doonin, waxaan la shaqeyn doonaa cid kasta oo aaminsan dastuurkii 2012” ayuu raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo horay ay Puntland u diiday wax ka beddelka dastuurka, isla markaana sheegtay inay kalsoonidii kala noqotay dowladda dhexe.

Kadib tallaabadaas ayaa waxaa kasii daray xiisadda labada dhinac oo gaartay meeshii ugu xumayd, waxayna dowladdu qaaday tallaabooyin ka dhan ah Puntland oo ay ugu dambeysay xiridda qunsuliyadda ay dowladda Itoobiya ku leedahay magaalada Garoowe.

Ad
Previous articleHoggaamiye mucaaradka ITOOBIYA ka tirsanaa ee meydkiisa la helay
Next articleShiikh Shariif oo Hambalyo u diray Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here