Home wararka Dalka Dhageyso Hadalka Madaxweyne Gaas oo taageeray Imaaraadka isagoo beeniyay Wararka la baahiyay..

Dhageyso Hadalka Madaxweyne Gaas oo taageeray Imaaraadka isagoo beeniyay Wararka la baahiyay..

1
SHARE

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas oo shir Jaraa’id ku qabtay Xerada Ciidamada Badda Puntland ee M/Boosaaso ayaa ka hadlay xiriirka ka dhaxeeya Imaaraadka iyo Soomaaliya iyo sidoo kale Ciidamadii ay maamulkaas u tababartay.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in labada dal uu ka dhaxeeyo xiriir taariikhi ah,isla markaana sidoo kale Puntland ay waxbadan uu u qabatay Imaaraadka Carabta,isaga oo tusaalo u soo qaatay ciidamada Badda Puntland ee uu tababaray Imaaraadka iyo mashaariicda uu ka fuliyo deegaannada Puntland.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Imaaradka Carabta ay mashaariic horumarineyd ay ka fuliyaan deegaannada Maamulka puntland oo Malaayiin Dollar ay ku bixiso,sidoo kale uu sheegay in aysan jirin cid noola siman Imaaraadka ama u bedeli karta.

Isaga oo sii hadlayay ayuu waxa uu been abuur ku tilmaamay diyaarad qaadi laheyd Saraakiil Imaaraad ah in lagu xayiray Garoonka Diyaaradaha Boosaaso,waxa uuna sheegay in uu ahaa Warkaas mid Baraha Bulshada siqaldan loogu baahiyey.

Halkan Hoose ka Dhageyso Codka Cabdi Weli Gaas.

Loading...

1 COMMENT

  1. Kheyre iyo Farmaajo ka dhab maaha eryidda Imaaraatka. Waa kuwii Jawaari hilfaha u qaaday markii uu barlamaanku soo saaray qaraar lagu eryayo Imaaraatka.

    Xoogaa duco ah uun bay raadsanayaan oo waa qaraabanayaan.

    Waxooda waa maraanmarin. Naas guray bay caano ka doondoonayaan.

    Puntland maxaa ka galay qaraabashada Farmaajo iyo Kheyre?!

    Puntland iyo Imaaraatku waa saaxiibo aan kala go’eyn.

    Farmaajo iyo Kheyre iyaga ayey jirtaa siday ducadooda u qalqaashanayaan, laga mana yeelayo inay Imaaraatka ku khashqashaadaan Puntland gudaheeda.

    Gaas wuu diiday shekadaas raqiiska ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here