Home Wararka Somaliya Wararka ugu danbeeyay Ciidanka Galmudug iyo kuwa Dowlada oo Howgalo ka sameeyay...

Wararka ugu danbeeyay Ciidanka Galmudug iyo kuwa Dowlada oo Howgalo ka sameeyay Gobolka Mudug

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay weli howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan degaano ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug.

Howlgalladii ugu dambeeyay ayaa Ciidamada waxaa saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen degaano u dhow, degaannada Camaara, Bacaadweyne iyo Shabeellow, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada qeybta 21aad ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgallada ay Ciidamada Guulo ka gaareen, isla markaana Ciidamada ay degaano la wareegeen, sidoo kalena ay dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Amniga Galmudug, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Janeraal Cabdi Qeybdiid iyo Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Joon.

Ad
Previous articleMaamulka Galmudug oo ka Hadlay Weerar Dad Shacab lagu dilay oo ka dhacay Duleedka Gaalkacyo
Next articleMidowga Yurub oo dhimay mushaaraadka Ciidanka Kenya ee ka howlgalla Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here