Home Wararka caalamka Boqorka Sacuudiga oo diiday in Safaarada Mareykanka loo raro Caasimada Jerusalem..

Boqorka Sacuudiga oo diiday in Safaarada Mareykanka loo raro Caasimada Jerusalem..

0
SHARE

Boqorka Sacuudiga oo xulafo la ah dalka Mareykanka ayaa maanta khudbad uu ka jeediyay shirka ka furmay Dalkiisa isla markana u dhaxeeya carabta waxa uu kaga hadlay arinta Qudus.

Boqor King Salman ayaa ku celiyay in Dowlada Sacuudiga ay kasoo horjeedo in Safaarada Mareykanka laga soo raro dhanka Tel Aviv isla markana loo raro dhanka Jerusalem.

” Anaga waxaan ku celineenaa diidmadeeda ku aadan Jerusalam ee go.anka mareykanka” Boqorka Sacuudiga ayaa ku sheegay khudbadiisa uu ka jeediyay caasimada Dhahran oo ka furmay shirka wadamada Carabta.

Caasimada Jerusalem’ ayaa noqotay mid kamid ah khilaafka ugu xoogan ee ka taagan bariga dhexe taasi oo u dhaxeysa israel iyo Falastiin waxana ku kala qeybsan wadamada caalamka.

Mudug24 Nairobi

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here