Home Wararka Maanta Ciidamada darawiishta Galmudug oo Alshabaab Kala Wareegay Deegaano ka Tirsan koonfurta Gobalka...

Ciidamada darawiishta Galmudug oo Alshabaab Kala Wareegay Deegaano ka Tirsan koonfurta Gobalka Mudug

0

Ciidamada Xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo xoogagga deegaanka ayaa al shabaab ka saaray degaano ka tirsan Koofurta gobolka Mudug.

Deegaanka Shabeelloow oo ah fadhigii ugu waynaa ee alshabaab ka joogtay Koofurta Mudug, tuulada Cadaleey, waddada muhiimka ah ee isku xirta Camaara iyo Ceellhuur ayaa ka mid ah meelaha laga saaray Al-shabaab

Buurta Yacgoos oo ah meel istaraatiiji ah oo alshabaab ay ka ilaalinayeen Magaalada Caad iyo degaano kale ayaa Al-shabaab laga ciribtiray maalmihii la soo dhaafay sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada.

“Khawaarijta oo xaqiiqsatay in aanay u babac dhigi Karin awoodda ciidan ee ku soo wajahan ayaa iska carartay magaalooyin aan wali ciidanku gaarin waxaana ugu dambeyn hadda Ciidanka is garab sanaya ay dhinacayada ka fadhiyaan Magaalada istaraatiijiga ah ee Caad oo ay Khawaarijtu maamuleysay muddo 15 sano ah” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

Ad
Previous articleCiidamada Dowlada iyo kuwa Galmudug oo Dhowr Degmo Qarka Usaaran inay alshabaab kasaaraan
Next articleSida loo hareereeyey Markab burcad baddeed ku haysato xeebaha Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here