Home Wararka Somaliya Somaliland Garaad Jaamac Oo 15 Sano Kadib Maanta lagu soo Dhawaynaayo Calanka Buluuga...

Garaad Jaamac Oo 15 Sano Kadib Maanta lagu soo Dhawaynaayo Calanka Buluuga Magaalada Laascaanood

0

Wararka naga soo gaaraya goolka Sool ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ku wajahan yahay Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah isinka guud ee beelaha SSC.

Garaadka ayaa halkaasi uga qeyb gali doona shir looga hadlaho aayaha magaalada Laascaanood oo maanta furmayo, iyadoo shirka go’aan looga gaari doono waxa laga yeelayo rabshadihii dhawaan ka dhacay Laascaanood.

Garaad Jaamac oo gaadiid dagaal oo fara badan wata ayaa ku wajahan xarunta gobolka Sool, waxaana socota diyaar garowgii u danbeeyay ee loogu jiro soo dhaweyntiisa.

Garaad Jaamac Garaad Cali waxaa magaalada Laascaanood ugu dambeysay sanadkii 2007, xilligaas oo Somaliland ay la wareegtay magaalada Laascaanood, kadib dagaallo dhexmaray iyaga iyo maamulka goboleedka Puntland.

Lama oga waxa ay Somaliland ka dhihi doonto imaatinka Garaadka oo hormuud u ah dadka ay ku weyn tagay qadiyadda Soomaali Weyn, wuxuu a qeyb ka ahaa aasaasayaasha maamulkii Khaatumo ee fadhigiisu ahaa magaalada Buuhoodle.

Ad
Previous articleMaxaa kala qabsaday Gudoomiye Cali Jayte iyo gabadhii ugu yeertay murtadka?
Next article10 Qof Oo Lagu Dilay Toogasho Ka Dhacday Dalka Mareykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here