Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweynihii Hore ee Galmudug C/kariin Guuleed oo Farmaajo ku Eedeeyay Dib u...

Madaxweynihii Hore ee Galmudug C/kariin Guuleed oo Farmaajo ku Eedeeyay Dib u dhaca Doorashada

0

Madaxweynihii Hore ee Galmudug C kariin Xuseen Guuleed Ayaa si Kulul u Eedeeyay Madaxweyne Farmaajo

 

Qoraalka Musharax Madaxweyne Ckariin Xuseen Guuleed ka soobaxay Ayaa u qornaa Sidaan “Maamulka Farmaajo waxuu had iyo jeerba caadeystay in markii mushkilad iyo caqabad laga baxo ay abuuraan mushkilad kale, ayagoo oga gol leh in ay dadweynaha ku jahawareeriyaan, wadadana kaga leexiyaan inta kale ee ka soo horjeeda.

Waxaan ogsoonahay in haatan la maleegayo shirqoolo lagu doonayo in lagu carqaladeedo shirka golaha wadatashiga Qaran ee lagu baaqay iyo saxitaanka la doonayo in lagu sameeyo habraacyada iyo habdhaqanka doorashooyinka.

Waxaan RW Rooble iyo madaxda kale ee Golaha wadatashiga Qaran u soo jeedinayaa inaan laga mashquulin lagana weecin jidka ay qaadeen ee ay ku saxayaan doorashooyinka.

Dalkani sida kali ah ee uu horay ugu socon karo, horumar ku gaari karo, nabad iyo xasiloonina ku heli karo waa ayadoo dalka laga dhaqan galiyo laguna soo dabaalo doorashooyin hufan oo laguna wada qanci karo.

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo dib ugu Soo Laabtay Dhuusamareeb (Sawiro)
Next articleGeneral odawaa Yusuf Raage oo Magacaabay Gudi Xili Xiisada Farmaajo iyo Rooble Cirka isku Sii Shareertay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here