Home wararka Dalka Sawiro Doorashada ka dhacday Caasimada Galmudug ee Dhuusomareeb oo uu ku guuleestay...

Sawiro Doorashada ka dhacday Caasimada Galmudug ee Dhuusomareeb oo uu ku guuleestay Cabdulahi Faarax weheliye..

0
SHARE

Doorashadda kursi ka banaanaa Golaha Shacabka ayaa goor dhow lagu soo gebagebeeyey Magaalada Dhuusamareeb, xarunta Maamulka Galmudug.

Kursigan ayaa waxaa ku tartamay labo musharax oo kala ahaa Maxamed Cilmi Afrax (Mideeye) oo ahaa nin la shaqeeya heyadaha samafalka ee gobolada dhexe iyo Cabdullaahi Faarax Wehliye oo ah wasiiru dowlaha arrimaha gudaha ee Xukuumada federaalka Somalia.

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay in doorashada kursigii uu ka geeriyooday ALLAHA u naxariistee Bootaan Ciise Caalin uu ku guuleystay Cabdulahi Faarax Weheliye oo helay  28 cod, halka Musharax kale Maxamed Cilmi Afrax Mideeye uu helay 17 cod,, iyadoo musharaxa 3aad oo ahaa Cabdulle Faarax Xirsi uu helay 3 cod, waxaana xumaaday 3 cod.

Doorashaddan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee lagu qabto Magaalada Dhuusamareeb oo dhowaan loo raray caasimada Galmudug, iyadoo inta badan doorashooyinkii ay ku soo baxeen xildhibaanada federaalka ugu jira maamulkan lagu qabtay degmada Cadaado oo aheyd xarunta KMG ah ee Galmudug.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here