Home Wararka Maanta Boliiska Soomaaliya oo shaaciyay in Ganacta Lagu Soo dhigay Askar Xalay Toogata...

Boliiska Soomaaliya oo shaaciyay in Ganacta Lagu Soo dhigay Askar Xalay Toogata Laba walaala ah

0

Taliska Boliiska Soomaaliyeed Ayaa caawa shaaciyay in Ganacta Lagu Soo dhigay Eedaysanayaal Lagu Soo Eedeeyay Dilka Laba ruux oo walaala ah oo xalay Lagu dilay Muqdisho.

Qoraal ka Soo Baxay Boliiska Soomaaliya Ayaa u qornaa Sidaan.

 

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Waxa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa in baaritaan ka dib ay maanta ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigaan eedaysenayaashii xalay rasaasta ku dilay labada marxuum ee kala ah Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sowda Maxamuud Xuseen.

Eedaysaneyaasha oo kala ah Cabdiwaayeel Macallin Aadan iyo Dayax Nuur Cabdi Aadan ayaa hadda ku jira gacanta Dowladda, iyada oo la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waxa uu har iyo habeen u taagan yahay ilaalinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa shacabka ka codsanaynaa in ay si dhow u la shaqeeyaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Soo gaaray Muqdisho (Sawiro)
Next articleWasaaradda Amniga Soomaaliya oo si Kulul uga Hadashay dad Siyaaba Kala duwan Loo dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here