Home Wararka caalamka Ruushka oo goor dhow shaaciyay in uu dhulka soo dhigay 71 gantaal...

Ruushka oo goor dhow shaaciyay in uu dhulka soo dhigay 71 gantaal oo Suuriya lagu riday.

0
SHARE

Sarkaal ka tirsan Xukuumada Ruushka oo ku sugan Moskow ayaa goor dhow shir jaraa.id qabtay waxana uu ka hadlay weerarka socda.

Taliyaha ciidanka guud ee Ruushka Lieutenant-General Sergey Rudskoy ayaa maanta oo sabta ah sheegay in ay dhulka soo dhigeen 71 gantaal oo lagu soo tuuray ciidanka Suuriya.

Waxa uu intaasi ku daray in qaar kamid ah gantaalada ay ku dheceen goobo ka agdhow xaruumaha ciidanka suuriya ee Dimishkhish.

Rudskoy ayaa shirkiisa jaraa.id waxa uu sidoo kale ku sheegay in Xukuumada Ruushka ay balaarisay habka difaaca gantaalada lixdii bilood ee ugu danbeesay.

Hadalka Ruushka ayaa ku soo aadaya iyadoo cabsi xoogan ay ka jirto in dagaal dhexmaro ruushka iyo Mareykanka.

Mudug24 Kenya

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here