Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheikh oo khadka Telefoonka kula hadlay Madaxweynaha cusub ee Kenya

Madaxweyne Xasan Sheikh oo khadka Telefoonka kula hadlay Madaxweynaha cusub ee Kenya

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefanka kula xiriiray Madaxweynaha la doortay ee dalka Kenya Mudane William Samoei Ruto ayaa ugu hambalyeeyey isaga iyo Ku-Xigeenkiisa Mudane Rigathi Gachagua, guusha ay ka gaareen doorashooyinka dalkaas.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay shacabka Kenya, xisbiyada dalkaas, hay’adaha amniga iyo madaxda tartantayba, sida nabadda ah ee ay doorashooyinkoodu u qabsoomeen, taas oo tusaale u noqonaysa hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalalka Gobolka.

Dhankiisa, Madaxweyne William Ruto ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh hambalyada iyo bogaadinta guusha doorasho ee xisbigiisa, waxa uuna tilmaamay ixtiraamka iyo qaddarinta ay shacabka iyo dowladda Kenya u hayaan walaalahooda Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay adkeynta xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah iyo iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada horumarka, xasilloonida Mandiqadda, kobaca dhaqaalaha iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa u rajeeyay madaxda cusub ee dalka Kenya in ay ku guuleystaan ka miro-dhalinta hiigsiga shacabkooda ee dhanka horumarka, door muuqdana ay ka qaataan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga heer Gobol.

Ad
Previous articleCiidamada Galmudug oo weerar Qorsheysan ka fuliyay Deegaan hoostaga Ceelbuur
Next articleGolaha Wasiirada Soomaaliya oo Shir Deg Deg ah la isugu yeeray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here