Home Wararka caalamka Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo Khadka taleefanka ku hadlay Dhigiisa Vladimir Putin isagoo...

Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo Khadka taleefanka ku hadlay Dhigiisa Vladimir Putin isagoo kala hadlay…

0
SHARE

Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa lagu soo waramayaa in uu qadka Taleefanka kala Hadlay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Labada Masuul ayaa ka hadlay sidii loo dajin lahaa xiisada taagan isla markana loo abuuri lahaa wada hadal siyaasadeed sida laga soo xigtay Xafiiska Erdogan.

Wada hadalka ayaa imaanaya xili madaxweynaha Turkiga uu taageeray Weerarka Mareykanka ee lagu qaaday Dowlada Suuriya kaasi oo lagu duqeeyay xaruumaha Ciidanka ee Dalkaasi.

Goor sii horeysay Dowlada Mareykanka waaxdeeda Difaaca ayaa sheegtay in ay ku guuleesteen dhamaan duqeymaha ay fuliyeen.

Xaalada Suuriya ayaa laga baqayaa in ay fooda isgaliyaan oo dagaal dhexmaro labada Dal ee Ruushka iyo Mareykanka.

Mudug24 Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here