Home Wararka Maanta Al-Shabaab oo qarax ku dishay dad isku qoys ahaa

Al-Shabaab oo qarax ku dishay dad isku qoys ahaa

0

Kooxda Al-Shabaab ayaa qarax miino oo dhulka ay ku aastay ku dishay saddax qof oo isku qoys ahaa kadib markii uu qarxay gaarigii ay saarnaayeen oo marayay deeganka Eegay uu dhexeeya magaalooyinka Gaarisa iyo Dhadhaab ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Sida uu kusoo warramaya wariyaha VOA-da ee Gaarisa Maxamed Faarax Shire, dadka qaraxa miinada ku dhintay ayaa kala ahaa Ugaas Amiin Ugaas Xasan oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee deegaanka Soomaalida ee Kenya, wiil uu dhalay oo gaariga waday iyo nin ay Ugaaska la dilay walaalo yihiin.

Kooxda Al-Shabaab ayaa werarro dad badan au ku dileen ka gaysta gobolka Soomaalida ee Kenya, halkaasi oo marar badan ku beegsadeen ciidamada Kenya iyo dadka socotada ee deegaanka.

Ad
Previous articleAbwaan Hurre Ibraahin Walanwal oo geeriyooday
Next articleDowladda Turkiga oo war hor leh kasoo saartay wiilka madaxweynaha Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here