Home Wararka caalamka Madaxweynaha Ruushka oo ka hadlay Duqeymaha lagu qaaday Dalka Suuriya

Madaxweynaha Ruushka oo ka hadlay Duqeymaha lagu qaaday Dalka Suuriya

0
SHARE

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa si ba’an u cambaareeyey weerarka ay reer Galbeedku ku qaadeen Suuriya oo ay dalkiisa xulufo yihiin.

Putin ayaa si adag u cambaareeyey weerarkaas waxaana uu yiri duqaynta Suuriya waa “fal gardarro cad a”. Waxaanu intaa ku daray in hubka kiimikada ah ee la sheegay in lagu weeraray Magaalada Duuma ee Suuriya todobaadkii hore uu ahaa shirqool la maleegay oo looga gol lahaa in marmarsiiyo looga dhigto weerar lagu qaado Suuriya.

Danjiraha Ruushka u fadhiya dalka Maraykanka ayaa isna digniin uu bixiyey ku sheegay in cawaaqib ka dhalan doonaan weerarka lagu qaaday Suuriya.

Afhayeen u hadashay wasaaradda arimaha dibadda ee Ruushka ayaa iyaduna sheegtay in weerarkani dhacay iyada oo fursad ay Suuriya nabadi kaga dhalan kartaa soo dhawaatay.

Saraakiil Ruush ah oo Moscow jooga ayaa sheegay in gantaalaha Suuriya lagu duqeeyey ku dhaceen meelo u dhaw goobo ku dhaw meelaha fadhiisimada u ah ciidamada Ruushka ee ku sugan Suuriya oo ay yaallaan gantaalaha difaaca cirka.

Xukuumadda Suuriya iyo Iran oo ah dal ay gacan saar leeyihiin ayaa iyaguna sheegay in weerarada wada jirka ah ee dalkaas lagu qaaday yihiin kuwo xad gudub ku ah sharciga caalamiga ah.

Iran ayaa Maraykanka iyo xulufadiisa ku dhaliishay qar iska xoornimo, waxa aanay intaa ku dartay in ay iyagu qaadi doonaan masuuliyadd cawaaqibka ka dhasha weeraradaas.

Warbaahinta dawladda Suuriya ayaa ku warantay in weerarka lala beegsaday xarunta cilmi baarista Dimishiq uu khasare kooban gaarsiiyey goobtaa, hase yeeshee ay weeradda Xums ku dhaawacmeen saddex qof oo rayid ahi.

Wararka kale ee ka imanaya Suuriya ayaa qaarkood tibaaxayaan in goobo milatari oo ay ku jiraan xarumaha weerarada lagu qaaday, todobaadkan horraantiisii laga daabulay saanaddii taalay.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here