Home Wararka Somaliya Puntland oo ka hadashey Dadkii lagu Dilay Duleedka Magaalada Gaalkacyo

Puntland oo ka hadashey Dadkii lagu Dilay Duleedka Magaalada Gaalkacyo

0

Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobalka Mudug ee Puntland, Gaashaanle Dhexe, Cabdi Siciid Xuseen Jaamac (Koomaad) ayaa ka hadlay guud ahaan xaalada Ammaan ee Gobolka Mudug  iyo shaqaqooyin dhawaan ka dhacay meeo kamid ah gobolkaas.

Waxa uu sheegay taliyaha in Shaqaaqooyinkii dhacay oo la xiriiray aanooyin qabiil ay ku dhinteen dad shacab ah oo aan waxba galabsan balse hadda xaaladda ay tahay mid degan.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobalka Mudug ee Puntland in shaqaaqooyinka ay ka dhasheen barkado la sameeyay balse go’aano amni ay soo saareen kadib ay Aaseen barkadahaas dartood laysku dagaalay .

Ugu dambeyn taliyaha waxaa uu sheegay in ay go’amiyeen in Barkado dambe aan laga dhisi Karin goobaha lagu dagaalamay, sidoo kale ay qaadi doonaan tallaabooyin looga hortagayo inay dilal kale dhacaan.

Colaad beeleedyada ayaa labadii sano ee la soo dhaafay waxaa ay kusoo laab laabteen degaannada Gobolka Mudug, iyada oo Maamulada Galmudug & Puntland ay sheegeen inay ka hortagayaan.

Ad
Previous articleMaamulka Galmudug oo Digniin Adag kasoo saaray Dad doonaya in ay Qalgaliyaan Doorashada
Next articleGalmudug oo Xaqiijisay Weerar lagu Dilay Xubno ka tirsan Kooxda Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here