Home Wararka Somaliya Dhageyso: khudbadii Lafta gareen oo ka hadlay khilaafka taagan iyo Waxa uu...

Dhageyso: khudbadii Lafta gareen oo ka hadlay khilaafka taagan iyo Waxa uu Salka ku hayo

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Furay Shirka Wadatashiga Arimaha Doorashooyinka Dalka ayaa Xildhibaanada laga Doortay Deeganada Koonfur Galbeed kula Dardaarmay inay muujiyaan isku duubni ku aadan Midnimada iyo Wadajirka Koonfur Galbeed.

Shirkaan ayaa laga sugayaa in laga soo saaro war murtiyeed dhinacyo kala duwan ah oo xaalada doorashada,islamarkaana la tilmaamay in saameyn muuqato ay yeelan karaan xildhibaanada laga soo doorto KG.

Madaxweyne Lafta gareen ayaa si cad uweeraray R/wasaare Rooble uu sheegay inuusan qasbi karin maadaama deegaankii uu kasoo jeeday Galmudug ay ka dhaceen doorasho boob ah uusan tan KG keliya xukmin karin.

Waxa uu C/casiis Lafta gareen oo laga dareemayey inuu careysnaa sheegay in 50 jir isagoo ah uusan aqbali karin juujuub iyo gumeysi xilli uu diiday isagoo 20 jir ah in la sanduleeyo oo la gumeysto sida uu warka udhigay.

Baaq guud ayuu ujeediyey xildhibaanada fadhiyey shirka uuna dalbaday inay isku duubni muujiyaan dawladana looga fadhiyo inay wax wadar ogol ah loo wajaho arimaha lagu heshiiyey ee doorashada kamidka tahay.

Ad
Previous articleQaramada Midoobay oo u yeeraty Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka FIET kalana Hadlay Kuraasta laisku Haysto
Next articleWar deg deg Ah: Puntland oo ka hadashey Shirka ka socda Muqdisho ee Deni ka dhanka ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here